November, 03-2011 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Dowladda Ereteriya ayaa si kul uga jawaabtay hadal shalay ka soo baxay Dowladda Kenya oo ahaa in diyaarad u u siday Al Shabaab ay ka degtay magaalada Baydhabo taasi oo ay geeysay Dowladda Ereteriya.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu beeniyey warkaasi iyadoona Dowladda Kenya looga digay wararka been abuurk ah.

Waxaa kale oo Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Dowladda Ereteriya ay ka qeyb qaadatay gurmadka abaaraha xoogan ee ku dhuftay Soomaaliya isagoona tilaamay in ay gargaar geeyeen degaanada Al Shabaab ay ka taliyaan, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in gargaar ay sameeyeen loogu badalo hub iyo colaad hurin.

Hadalkaan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Afhayeen u hadlay wasaarada Gaashaandhigga Kenya uu sheegay in diyaarada hub u sitay Al Shabaab oo ka duushaay dalka Ereteriya ay ka degtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Fiiro gaar Ah:

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa dowlada Eritrea ku eedeeyay in ay taageerto ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Weheliye Waqaa oo ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay xaqiiq u haayaan in dowlada Eritrea ay hub siisay Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay mudanahaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya in diyaarad hub wada oo ay leedahay Eritrea in ay ka dagtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Xildhibaan Waqaa ayaa sheegay in diyaaradaasi ay keentay Hub badan oo ay qayb ka ahaayeen garnaylada garbaha laga tuuro taasi oo lagu wareejiyay ururka Al-Shabaab.

Asaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in ay dadka deegaanka iyo dad ku sugan magaalada Baydhabo ay u sheegeen in xog dhab ah loo haayo arintaan.

Kaasi waxa uu ahaa xildhibaan (walaaq) oo markale qalqaalinaya in Baydhabo la duqeeyo, canugan jeegda dheer oo aad moodid cayaal suuq ayaa maanta masiir ummadeed lagu aaminey in uu matalo oo loo doortey xildhibaan waa nasiibdarooyinka maanta ummada Soomaaliyeed haysata. Laakiin walaaq waxaan u sheegeynaa hadii la duqeeyo magaaladaas iyo in uu asgana jawaabteedii heli doono.

Aqriso Xili Waliba & Saacad Kasta Si Aad U Heshid Wararka Ku Saabsan Qowmiyada Digilmirifle Meelkastoo Ay Joogaan Wixii Kusoo Kordha ama si lagaaga Xaqabtiro Akhbaaraad Badan la Soo Xiriir Email: infosws@swsomalia.comama maamulkajaaliyada@gmail.com

SWSomalia.com Information Centre
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
Monqrof Views: 15713
Sawiro Geel iyo... Views: 8435
LATEST NEWS